Hargeysa-18-October-2009(Gabooyenews)Guud ahaanba dunidan aan ku nool nahay qofkastaa wuxuu leeyahay himilo iyo riyooyin uu jecel yahay in uu gaadho si uu u jeedadiisa u helana wuxuu la yimaadaa dadaal iyo karti; taariikhduna iyada ayaa is qorta. Haddaba akhriste waxaan aad u jeclahay in aan qoraalkaygan ku soo qaato mid ka mid ah riyooyinka inagu dhiiri galiyey in aynu dadaalkeena oo dhan dul dhigo horusadka bulsheena guud ahaan.
Jiif Caaqil Cabdi Cige waa hogaamiye dhaqameed ka soo jeeda beelaha gabooye ee Somaliland waa haldoor go’aan leh oo marwalba jeclaa, jecelna wada jirka, wada tashiga iyo wax wada qabsiga umada uu hogaanka u yahay. Waxaan ka daahneyn qofkasta oo aqoon u leh J.C. Cabdi Cige in uu mudo badan is ku urruriyey beelahan oo uu ka dalbaayey in ay dantooda meel uga soo wada jeedsadaa si ay horumar u gaadhaan. isaga oo aan ka daali Caaqilku arintaa ayuu u kicitimay dalka kanada, waxaan si dhab ah u hubaa in uu wali kaalin mug leh kaga jirio gaadhi raan da rajadiisa.
Dhinaca kale Suldaan Axmed-yaasiin Ismaacill Ali Cismaan Buuri suldaanka guud ee beelaha gabooye waa nin da yar oo Caqli waayeel, karti dhliyaro iyo maskax aqoon yahan. Haddii aan wax yar ka xuso hawlgaladiisa waxaa ka mid ahay markii uu 1997-1999 uu yi mid magaalada hargeysa wuxuu in badan daldaal galiyey in uu mideeyo dhalinyarada, wayeelka iyo dhamaanba beelaha gabooye oo qalbigooda hadyo jeer kala jeedo. Si uu suldaanku taa u gaadho wuxuu sameeyey in uu xataa u xaraasho hantidiisa isaga oo u iibiyey heshiisiintooda guri isagu uu lahaa hirgalyeyna madaradii ugu horeysey ee beelahani ka masuul yihiin.
Dulucda maqaal kaygu waa in maanta ay wax ka hirgaleen rajadii ay qabeen labadaa hogaamiya dhaqameed oo maanta ay isku duuban yihiin dhalinyarada beelaha gabooye gaar ahaan kuwa caasimada ku nool iyaga oo samaystay Maamul iyo Nidaam taasina ay tahay wax lagu farxo. Waxaa kale oo waajib ah aan xusuusnaano taladu adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola sidaa daraadeed waa in aynu ku dayano halyeyada inagu dhex jira oo aan kala hadhno fikirka in ta ay nool yihiin.
Ugu dambeyn waxaan halkan uga mahad naqayaa wax garadka iyo aqoon yahan ka hoos ku xusan oo iyagu si geesinimo leh isu garab taagey wasiirkooda oo ay mudan tahay in la xuso oo laga mahad noqo maadaama oo ay waajib koodii guteen.
1:Suldaanka Guud ee beesha reer sheekh muse dhariye.Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaaciil.
2:Suldaanka Guud Ee beesha Gabooyaha reer somaliladn:Suldaan Axmed Ismaaciil Ismaaciil Cismaan Buuri.