Warsaxaafadeed KaSo Baxey Qurba Joogta Ku Taageeray(G/Xigeenka;Mudane Xasan Sh M Aw-C
Warsaxaafadeed Ka Soo Baxey Salaadiinta & Hogaanka Sare Ee Qurba Joogta Oo Lagu Taageeray(G/Xigeenka;Mudane Xasan Sh Maxamed Aw-Cali)
Toranto-17-November-2009(Gabooyenews)Warsaxaafadeedkan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan uguna hambalyeynayaan dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta dowladda jamhuuriyada somalialnd iyo madaxweynaha [mudane daahir riyaale kaahiin]xilka cusub ee uu u magacaabey aqoonyahan [mudane xasan sheekh maxamed aw-cali]loona magacaabey gudoomiye ku xigeenka komiishanka xaquuqal iinsaanka qaranka jsomaliland ,warsaxaafadeedkaas oo ay nuqulkan u soo direen shabakada wararka saxaafada xorta ah xafiiskiisa dalka canada ee (gabooyenews.com)
warsaxaafadeedkaas ayaa waxuu u dhignaa sidatan.
hadii aanu nahey salaadiinta & hogaanka sare iyo qurba joogta beesha ayaa waxaanu si wada jira halkan aanu hambalyo iyo taageero uga direyna madaxweynaha jamhuuriyada somaliland iyo golayaashiisa dowladda ,Mudane Daahir Riyaalle Kaahiin ,talaabada geesinimada ee uu ugu magacaabey gudoomiye ku xigeenka komiishanka xaquuqal iinsaanka qaranka ee jamhuuriyadda somaliland ee uu ugu magacaabey aqoonyahanka[Mudane Xasan Sheekh Maxamed Aw-Cali] oo ka soo jeeda beesha gabooye ee reer somaliland , aqoonyahankan oo ka mida ama hormood ka ah aqoonyahaniinta beesha gabooye iyo siyaasiyiintaba ahna aqoonyahan iyo siyaasi rug cadaaya oo in mudo ahba ku soo jirey siyaasada somaliland ,
waanu soo dhaweyneynaa hambalyo iyo taageerana waanu u fidineynaa aqoonyahanka gudoomiye ku xigeenka xilka cusub ee loo magacaabey waxaanan u aragnaa talaabadan geesinimada leeh ee uu ugu igmadey madaxweynaha jamhuuriyada somaliland aqoonyahankan ka soo jeeda beelaha gabooye ee reer somaliland oo in mudo ahba ka cabanaeyyey iney siddii la rabey uga dhex muuqan maamulka dowlada balse waxaanu u aragnaa talaabadani iney tahey mid horseeda tubtii dimuqraadiyada iyo sinaanta cadaalada ka soo hana qadeysa somaliland waana guul iyo waa cusub oo ka bidhaamaya jamhuuriyadda somaliland .
inkastoo aaney wali beelaha gabooye ee reer somaliland sifiican uga dhexmuuqan maamulka dowladda iyo golayaashiisa sidda golaha guurtiga oo uu hada ku jiro hal xildhibaaan [xildhibaan jirde siciid maxamuud ]xildhibaankas oo matala afarta beelood ee ku abtirsada beesha gabooye taa soo aanu u aragno iney wali naga maqaantahey xaquuqdaanu ku laheyn golahaas oo ah inka badan afar xildhibaan ugu yaraan ,waxaanse ku buurineynaa in talaabada xigta talaabadan in loo kordhiyo xildhibanada beesha ,waxaa kaloo marnaba aaney kaba dhex muuqan beesha gabooye labada gole ee kala ah ,golaha deegaanka iyo golaha barlamaanka taasna waxanu ka rajeyneynaa oo aanu marlabaad ku buurineynaa madaxweynaha iyo gudoomiyayasha golayaashaas in ey sida ugu dhakhsaha badan wax uga qaban doonan xaquuqda ay ku leehyihiin goloyaashaas .waxaan kaloon ku buurineynaa anagoo taageersan wasiir ku xigeenka wasarada caafimaadka[ Mudane Mahdi C/lahi Cisman Buuri ]in xilkaas looga dhigo wasiir buuxa taasoo aanu xaq iyo xaquuqba ugu leehnahey dowladayada somaliland .
ugu dambeyntii Waxaanu hambalyo ugu diraynaa dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta jamhuuriyada somaliland iyo madaxweyne daahir yiyaale kaahiin ,sidoo kale waxaanu hambalyo iyo taageero weyn aanu u direynaa aqoonyahanka loo igmadey xilkan cusub ee gudoomiye ku xigeenka komiishanka xaquuqal iinsaanka qaranka jsomaliland aqoonyahan [Mudane Xasan Sheekh Maxamed Aw-Cali ]waxaanu leehnahey hambalyo hambalyo waxaanan ilaahey uga baryeynaa inuu noqdo mid xilkiisa guta oo daacad iyo si xilkasnimo xilka loo igmadey allahna ha u fudeydiyo insha alah aamiinnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn.
salaadiintan iyo hogaanka sare iyo aqoonyahiinta oo ku kala nool .north america,sida canada .mareykanka ,yurub iyo dalka qadar ayaa waxey kala yihiin.
.
1:Ambasader-cabdi xasan faarax buuni:ambasaderka jsomaliland u fadhiya dalka newzealand.
2:Gudoomiyaha Qurbajooga Beesha reer sheeekh muse dhariye:gudoomiye ;Axmed Maxamed Dhinbiil.
3:Suldaanka Guud ee beesha reer sheekh muse dhariye.Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaaciil.
4:Suldaanka Guud Ee beesha Gabooyaha reer somaliladn:Suldaan Axmed Ismaaciil Cismaan Buuri.