Kamballa-06-February-2010(Gabooyenews.com)Magaalada Taipei ee dalka Taiwan ayaa waxaa caan ka noqday mas si weyn ugu waalan cabidda sigaarka kaasi oo si habeysan waqtiyesan u caba sigaarka isaga oo xitaa bani`aadanka kaga qatarsan ku raaxeysiga sigaarka .
Maskaasi reer magaalka ah ayaa ninka iska leh shaaciyay in uu madax weerar iyo xanaaq uu ku dhacayo hadii xiliga uu bartay sigaarka la siin , iyadoo uu xanaaqayo dagaalamayo , laakiin marka madaxa loo dajiyo dabeecad fiican ayuu la soo baxaa.
Maskaasi ayaa cabayay sigaarka muddo sedex sano ah , iyadoo markii ugu horeeysay uu maska kadafay sigaar uu cabayay ka dibna uu ku raxaeystay ugu dambeyntiina uu la qabsaday .
"Maska hadda xariif ayuu ku yahay sigaarka , aniga oo muddo 33-sano cabayay wa iga daran yahay , maalintii dhowr xabo ayuu ka tuuraa", sidaa waxaa yiri mulkiilaha maska .