Kumaan Dad Ah Oo Shilal Jab Ku Soo Gaareen Cimilada Barafka Ee Dalka Netherlands.
London-06-February-2010(Gabooyenews.com) Dalka Netherlands, Ilaa 17 kun oo qof ayaa loo dhigay isbitaalada iyo waaxyaha kale ee gargaarka degdega intii u dhaxeysay 16-kii December ee sanadkii hore iyo 15-kii bishii hore ee January ka dib markii dadkaasi ay ku kufeen wadooyinka barafka leh.
16% dadkan ayaa six un u dhaawacmay, waxaana la dhigay isbitaalo, sida ay sheegeen kooxaha badbadaada dadka ee wadanka Netherlands.
7 ka mida 10 kii ruux ayaa waxaa soo gaaray jab xaga lafaha ah markii ay ku dhaceen barafka iyadoo kala bar dhamaan dhibanayaasha ay da’doodu tahay 55 jir ama ay ka weyn tahay, sida uu ururku sheegay.
Qarashka guud ee daaweynta dhamaan shilalka la xiriira barafka ayaa ku baxaya 38 milyan oo Euro. Kooxdan ayaa ugu baaqaysa golayaasha deegaanka inay dadaal xoog leh ku bixiyaan hubinta wadooyinka iyo in laga xaaqo barafka daadsan inta lagu guda jiro xilliga Winter-ka.
Qoraaga: Tafatirah(Gabooyenews)Mr Gaboye....
February 6, 2010
Quraanka Kariimka
Qodobo Mihiim ah
Sawirada Madarasada Quba iyo wax qabadkeeda.
Waa Hawl-Wadeenada ,Mareegta Ama Shabakada (Gabooyenews.com)