London-07-February-2010(Gabooyenews.com)Dowladda Wadanka Seychelles ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in ay bilaabi doonto maxkamadaynta kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee laga soo qab qabto Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.
Wasiirka Degaanka,Kheyraadka iyo Gaadiidka Joel Morgan ayaa ku dhawaaqay in talaabadaas ay qaadi doonto Xukuumadda Seychelles ka dib marki Wadamada Ururka Midowga Yurub ee ka qayb qaadanaaya howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ay codsi uu soo bandhigeen in ay maxkamadayso Burcad Badeeda.
Waxaana uu sheegay in Codsigaas ay Xukuumadda Seychelles ay ansixisay ayna ogolaatay ka dib marki ay wada qaateen masuuliyinta Midowga Yurub dhowr jeer oo hore socdaal ku yimi dalkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in go’aankaas uu dhigaayo in Burcad Badeeda Soomaalida ay soo qabtaan Maraakiibta dagaal ee Midowga Yurub ee hogaaminaaya howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda,lagu soo wareejiyo dalkeeda isla markaana ay maxkamadayso.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda Seychelles ay iminka ka go’aan tahay in ay gacan ka geysato la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
Jaziiradda Seychelles ayaa iminka gacanta ku haysa ila 11-nin oo Burcad Badeed Soomaali ah.
Dowladda Kenya ayaa hore looga bartay in ay maxkamadayso Burcad Badeeda Soomaalida oo lagu soo wareejin jiray.