Al-qaacidada Galbeedka Al-islaami Oo Shaacisay Xilliga Ay Qudha Ka Jaraya Lahaystayaal Ajanaabi Ah.
Nairobi-07-February-2010(Gabooyenews.com)Al-qaacidada ka dagaalanta galbeedka Al-islaami ayaa shaacisay xilliga ay qudha ka jari doonaan muwaadiniin u kala dhashay dalalka Talyaaniga iyo faransiiska hadii aaan la sii dayn afar maxbuus oo u dhalatay dalka Mali oo gacanta oo kujira xabsiyada dalka Mali.
Sida lagu sheegay bayaan lagu faafiyey in badan website-yada Islaamiga ururka Al-qaacidada Maqrib Al-islaami ayaa sheegay in muwaadinka Faransiiska ay dilayaan 20 bishan February halka kan Talyaaniga ay dili doonaan 1 bisha Maarso haddii aan la sii dayn afarta maxbuus ee kujirta xabsiyada dalka Mali.
Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ujeedada laga leeyahay ee loo kala hormarinayo labada lahayte dilkooda ayaa ah in labadbaadiyo muwaadinka talyaaniga u dhashay kadib marka la dilo muwaadinka faransiiska ah hadii la oofin waayo baaqaan ururka Al-qaacidada Maqrib Al-islaami uu u diray dalka Mali.
Kooxda Al-qaacida maqrib Al-Islaami ayaa marar badan sheegtay in ay ka danbeeyeen afuubyo loo geystay dalxiisayaal reer galbeed ah kuwaas oo lagu afduubtay dalalka Mauritania iyo Aljeeriay .
Sidoo kale kooxdaan ayaa horey u sheegatay qaraxyo iyo dilal kala duwan oo kadhacay dalalka Aleeriya, Morooko iyo Tuuniisiya.
Qoraaga: Xafiiska(Gabooyenews)Nairobi.Kenya.....
February 7, 2010
Quraanka Kariimka
Qodobo Mihiim ah
Sawirada Madarasada Quba iyo wax qabadkeeda.
Waa Hawl-Wadeenada ,Mareegta Ama Shabakada (Gabooyenews.com)