Featured Videos

Kulan Cambaareyn Ka Dhan Ah Dacwadda(Ali Samatar)

"GABOOYAHA SOMALILAND"

"Hey-sooca Quursiga Soomaalida"

GABAYGA KU SAABSAN GABOOYAHA

Maansadii Geedi Socodka Aadmiga iyo Abwaan Cabdi Cabdillahi Toronto

Muxaadaro-Axkaamta Khidbada(Shukaansiga)Qeybtii-1-aad ,

Somaliland Video 18/05/09 Maryan Mursal
Halkan Ka Dhageyso Wareysigii BBC ay la yeelatey Gudoomiyaha gabooye iyo banaanbixii hargeysa
Wareysi Radio Sweden Gabooyaha ka dhageyso halkan
Quursi aan garowshiyo lahayn Maxey soomaalidu u takooraan dadka ka soo jeeda beelaha lagu tilmaamo
Quursigu qiil maleeyahay BBC
Halkan ka dhageyso dood ku saabsan halbeegsiga 4.5
Waa wareysigii qoraagii buugii Yibir Maxamad Cali Goldoon
Majaajilo xiisobadan abwaaniintii Cabdilahi Cabdi Shube iyo Axmed Saleebaan Bide
Gabeygii"Dulmanaha La Quursadey Iyo Wareysiga"Abwaan Yusuf Osman Abdulle(Yusuf Shacir

Waraysi Aad U Xiiso Badan Oo Ku Saabsan:Hadraawi School:oo Radio Hadhwanaag Ay La Yeelatey Shaley (Barkhad Xaaji Cabdi Mr.Gabooye)Halkan Ka Dhageyso.
>> Maryan Mursal Hees Cusub
www.somraf.org New
Bariisle New
Aftahan
Alhidaaya.info
Dalxiis
Dayniile
dulmane.com
Farshaxan
Gabiley.net
Golisnews
Golis-Radio
Goljano.com
Esomali.com
Haatuf
Halgan News
HadhwanaagNews
Hargeisa Biriij
Hargeysanews
Hargeysaonline.com
Hargeysa-online.com
Hargeysa.org
Harowo-Online
HormoodNews.com
Hoyga Sugaanta
Hamjuuriya.info
Long Live Somaliland
Midgaan.com
Ogaal.info
Ogaalonline
Oodweyne News
Qaran News
Qaransomaliland
Ramaas News
Saaxil
Saaxil.org
Salalnews.com
Sallaxeynews
Sanaag Web
Saraarnews
SDWO
S.E.N
Somadic
Somaliland Future
SomaliHorta
Somalilandinfo
Somalilandnews.info
Somaliland.org
SomalilandSports.net
Somaliweyn.com
Somalsports.com
SomlyWood.net
Sooyaal.com
SSportsnews.net
Suugaantakayd.com
Tahriib.org
Togaherer
TogdheerNews.com
Togdheer Sports
TV Somaliland Europe.net
Waaberinews
Waagacusub
Waaheen
Wargeyska Geeska Afrika
Warjire
Ufeyn.com


Number of Visits 94753
Suldaan Naasir Suldan C/raxman Oo Ku Eedeyey Xarigii"Nimcaan Aadan Cisman Dhabar"Qaar Ka Mida Masuuliyiinta Gabooye.

Hargeysa-07-February-2010(Gabooyenews.com) - Suldaan guud ee beesha Muuse-Dheriyo oo ka tirsan beel-weynta Gabooye Suldaan Naasir Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ku eedeeyey Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka Mr. Xasan Sheekh Maxamed iyo Boqor Axmed-iiman Warsame xadhigga wiil lagu magacaabo Nimcaan Aadan Cismaan oo ah qurbo-joog ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay oo dalka u yimi si uu dhammeeyo kiiska wiil ay walaalo ahaayeen askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland toogasho ku dilay sannadkii 2005.

Suldaan Naasir iyo oday-dhaqameedyo uu hoggaaminayo mar Jamhuuriya u warramayeen waxay u sheegeen in Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka iyo Boqor Axmed-iid Warsame ay dilkii Nimcaan Aadan walaalkeed gacanta ku hayeen kiiskiisa, inankuna ka biyo-diiday siday u maamulayeen.

Suldaan Naasir waxa uu intaa ku daray inuu inanku u sheegay isaga, in dilkii walaalkii lagu fadeexadeeyeen qaranka Somaliland, lacagna ku guran jiray, farriimo beenana u diri jireen, si uu arrintaas u dhammeeyana dalka u yimi, cabasho dilkaas ku saabsana u gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda, balse xabsiga u taxaabaan.

“Ayaan-darro ah iyo wejigabax bay ku tahay beesha Muuse-Dheriyo in xabsiga loo taxaabo Nimcaan Aadan Cismaan oo u socday maslaxad iyo inuu soo afjaro kiiska dilkii walaalkii, isla markaana xukuumadda kala xaajoodo dilkii walaalkii oo askari 2005-tii ku dilay magaalada Hargeysa, waxaanna igu maqaalo ah in inanka iyo adeerkii Wasaaradda Daakhiliga u jooga cabasho ka dhan ah Boqor Axmed-iid Warsame iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka oo hore uga tirsanaa jiray xisbiga UDUB, halkaasna isku af-dhaafeen boqorka iyo wiilka adeerkii, kadibna xabsiga loogu taxaabay, markii aan booqdayna waa la ii sii dayn waayey, waxaanan ugu baaqayaa in degdeg xorriyaddiisa loo soo celiyo,” ayuu Suldaan Naasir Cabdillaahi.

Geesta kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka Mr. Xasan Sheekh Maxamed oo Jamhuuriya khadka telefoonka shalay kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo eedaymaha suldaanku u xambaariyey, ayaa sheegay in aannu haba yaraatee wax lug ah ku lahayn xadhigga wiilkaas, eedaymaha arrintaas loogu jeediyeyna yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Wax alla wax ka jiraa ma jiro xadhigga Nimcaan Aadan Cismaan, kamana dambeeyo oo maxkamad ma ihi, balse waa xaalad-abuur aan jirin, waxaanna nimankaas xidhay Suldaankooda oo aflagaadeeyeen, una hanjabeen, isagana waad weydiin kartaa,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

Haseyeeshee, Suldaan Iid Cabdillaahi Xirsi oo ka tirsan madax-dhaqameedyada beelaha Gabooye, ayaa shaaca ka qaaday in uu isagu xidhay Nimcaan Aadan, kadib markii siduu sheegay uu wiilkaasi kula kacay aflegaado iyo hanjabaad la xidhiidha dil.

“Adeer aniga ayaa warraankaas u soo jaray oo maalin dhoweyd aniga iyo boqorka oo joogna Wasaaradda Daakhiliga ayey nimankaasi ay noo hanjabeen oo ay yidhaahdeen ilaa iyo maydkiina Wasaaradda Daakhiliga laga qaado arrintayada joojin maysaan, anigu afar sanno ayaan arrinkaas ku jiray oo aan ku hawlannaa sidii aan dacwaddan u dhammayn lahaa. Markaa aniga ayey ii xidhan yihiin ee nimankaa kale ee aad sheegayso uma xidhna,” ayuu yidhi Suldaan Iid Cabdillaahi Xirsi. Dhinaca kale, noomay suurtogelin in aannu la xidhiidho Boqor Axmed-iid Warsame.


Jamhuuriya Online..


Qoraaga: Tafatirah(Gabooyenews)Mr Gaboye.... February 7, 2010

Sawirada Madarasada Quba iyo wax qabadkeeda.

Waa Hawl-Wadeenada ,Mareegta Ama Shabakada (Gabooyenews.com)
"ASMAA UL XUSNAA" MAGACYADDA ALLAH"
Radio Hadhwanaag Oo Wareysi La YeelateyKu Saabsan JSLD"Barkhad Xaaji Cabdi;Mr Gaboye
OGEYSIIS"JOIN US IN HARGEISA THIS SUMMER FOR THE CONFERENCE OF THE DECADE July-10-Jul
MAXAAD KA TAQAAN S/Gaas MOHAMED ALI SAMATAR =Taariikh Nololeedka IYO DARAJOOYINKIISA
BUSHAARO BUSHAARO BUSHAARO "RADIO GABOOYE"COMING SOON."
Sidee Lagu Baabi’in Karaa Takoorka Iyo Quudhsiga Lagu Hayo Beelaha La Hayb-sooco?
BAAQ CAMBARAYNA QURBO JOOGTA B-MUUSE DHERIYO"XADHIGA"NIMCAN AADAN C-DHABAR"Sul-Max,ed
Warsaxaafadeed Cambaareyn Xadhigii"Nimcaan Aadan.Cisma.Dhabar"By-Gu"Nasir Mox,ed Cise
SHABAKADA WARARKA (GABOOYENEWS.COM)
Suldaanka Naasir Suldaan Cabdi Oo Golaha Guurtida Ku Eedeeyey Inay Takoor Ku Hayaan
WAREYSII XIISA BADAN ,RADIO -HURMOOD ,LA YEESHEY BOQORKA CODKA ,MAXAMED SALEEBAN TUBE
Warsaxaafadeed KaSo Baxey Qurba Joogta Ku Taageeray(G/Xigeenka;Mudane Xasan Sh M Aw-C
Rajadii Iyo Himiladii Jiif-Caaqil Haaji Cabdi Cige Iyo Suldaan Axmed-Yaasiin.By Xamse
FADLAN KA SOO QEYB QAADO MASAAJID U BAHAN DAYACTIIr/ account-num- D5596-burco togdhee
Ubax Cabdi Oo Guursatey Nin Gabooye Ah Oo Nabadgelyo Darni Uga Qaxdey Magalada Gaalka
Warsaxaafadeed Qurba Joogta Ay Ku Taageerayo(W/Xigeenka:Mahdi Cismaan Buur)
Dawlada JSomaliland oo Safiir Cusub U Magacowdey Dalka NewZealand!CABDI XASAN-F-BUUNI
HogaanKa Beelaha Gabooye ,Maxaad Ka Taqaana ,
warbixintii ,Amnest ee ka hadleysey dilkii khadar cisman dhabar,allah ha u naxariist
Doorka Dhilinyarada Gabooye iyo Jaamacada Hargaysa&Gudoomiye(Xamse Maxamed Ibrahim)
Copyright © GabooyeNews.Com Kitchener, Ontario
Deisgned By KW Web Service