AAN KU DILEE HA DOODIN,Warsaxaafadeed Cambaareyn Xadhigii"Nimcaan Aadan.Cisma.Dhabar"By-Gu-"Nasir Moxammed Ciise Caabi"
London-11-February-2010(Gabooyenews.com)Warsaxaafadeed Ka Soo Baxey Xafiiska Ururka Gudomiyaha Beesha Gabooye ee Qarada Europe W/America muddane"Nasir Moxammed Ciise Caabi"oo uu ku cambaareynayey xadhigii loogu geystey magaalada hargeysa""Nimcan Aadan Cisman.Dhabar"noo ka mida qurba joogta beesha gabooye oo ay walaalo ahaayen ,marxuunkii si badheedha uu askari booliska somaliland uu toogasho ugu diley magaalada hargeysa sanadkii"2005"marxuun"khadar aadan cisman dhabar: warsaxaafadeedkas nuqul ka mida oo soo gaadhey shabakada wararka ee"Gabooyenews.com" ayaa wuxuu u dhignaa sidatan hoos ku qoraan..
Waxaanu aad uga xunahay dhibaatada sii kordhaysa ee ka haysata dadka laga tirada badanyahay Somaliland gaar ahaan magaaladda Hargeysa. Waxaa kale oon aad uga xumahay dadka u dhasho Somaliland ee Gabooyaha ah ee ka haajiray magaaladda Hargeysa, taasoo ay sababtay dil, dhac, boob, xidhig, cabudhin, cadaalad la’aan iyo xoog sheegasho lagu hayo dadkaas. Iyadoo inta joogtaana ay yihin dad mid walba kakale waran ay ugu dhiibtay xukuumadda ka jirta Somaliland oo ay noqotay askari, maamul iyo maxkamadiba rabaan in ay xukunka ku barbartan iyagoon kuliyada iyo jaamacad midna ku soo baran xukunkaas oo ay kalyahii ka saareen dadkaas.
Waxaa jirta in Marxuumkii la oranjiray Khadar Adan Usman Dhabbar ee askarigii Gacan kudhiiglaha ahaa uu ku toogtay magaalada Hargeysa, walaalkii oo yimid Hargeysa si uu i ogaado arrintii marxuumkaas halka ay marayso ayaa isagiina la xidhay maxkamadina sugeysaa. Iyado nimankale oo cumaamado odayaaleed iska huwan ay iyaga iyo kuwo ka tirsan dawlada ku heshiiyeen inay dabooli karaan kiiska, cidii so hadal qaadana la xidho.
Sida aynu wada ognahay hooyada Marxuunkaas dhashay iyo walaalahiiba waxay cadaan u sheegeen in aanay mag rabin ee ay doonayaan in xukunka u yaala Somaliland loogu xukumo ilaa iminka halkii ayey ka taagan yihiin.
Balse haddi xukuumadu ay leedahay sharciga Somaliland u yaala kumajiraan Gabooyahu ee khasab ha ku qaataan maqta, waxaanu jecalnahay in ay xukuumaddu soo saarto digreeto cusub oo sidaas sheegeysa.
Waar halkeey ka dhacday nin wadankiisii yimid oo doonaya qadiyadii marxuumkii walaalkii ahaa in uu ogaado oo lagu yidhi “dhagarqabihiina waa la sii deynayaa adigana waa lagugu badalayaa oo waliba marwadiisii oo umul ahayd aqalkeedana iska huruda lagala soo baxay lixdii subaxnimo oo iyadana xabsiga loo taxaabay.
Waxaanu u sheegeyna inta maan gaabkaah ee aaminsan in mar haddii min askari ilaa wisiiro oo dhan ay isku reer yihiin oo dadkaa Gabooyaha sidii ay doonaan u gumaadi karaan amase wadanka uga rari karaan aanay dib u dhici doonin ee ha ugu horayso qadiyadaas Marxum Khadar Adan Dhabbar anagoo aan dib u laabaneyn, indhana ka qarsaneyn dulmiga aad nagu haysaan ilaa aanu xaqaayaga oo dhan heleyno amaba nalaga waayayo xudunta Magalada Hargeysa ee naloogu yimid.
Waxaanu kale oo aanu u sheegeynaa saldhigyada booliska iyo maxkamadaha u furan sidii loogu xidhxidhi laahaa ama loogu tacadiyi lahaa dadkaa Gabooyaha in ay jiraan adunka maxkamado caalamiah oo arrimahayagu aanay ku eekaaney halkaas aad qoriga dulmiga ah nala hor fadhidaan.
Waxad ogaataan wakhtigu inu sheegi doono xaqaayaga sidii ku dhacday Sadam Xusseen iyo Radovan Karadzic.
Wabillahi al tawfiq
Nasir Moxammed Ciise Caabi
Gudomiyaha Beesha Gabooye ee Qarada Europe W/America
Gabooye.org99@hotmail.co.uk...
Qoraaga: Tafatirah(Gabooyenews)Mr Gaboye....
February 16, 2010
Quraanka Kariimka
Qodobo Mihiim ah
Sawirada Madarasada Quba iyo wax qabadkeeda.
Waa Hawl-Wadeenada ,Mareegta Ama Shabakada (Gabooyenews.com)