Joseph Biden Oo Kalsooni Ka Muujiyay Wada Hadaladii Falastiinyiinta Iyo Isrealiyiinta.
Cairo-10-march-2010(Gabooyenews.com}Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joseph Biden ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in ay dib soo laabato wadahadaladii hakadku ku yimi ee horay uga dhxexeeyay Falastiinyiinta iyo Isrealiyiinta,waxaana uu sheegay in ay dadaal badan u gali doonaan sidii ay wadahadaladaasi u furmi lahaayeen.
Biden waxaa uu xili uu maalintii shalay wadahadalo kula qaadanayay Qudus madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Isreal ayuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in ay Isreal dhiceeda diyaar u tahay in ay wadahadaladaasi dib u furmaan six al loo gaaro.
Waxaa uu kaloo Biden tilmaamay in ay wadahadalada iyo xalintta khilaafaadka ka dhexeeya Isrealiyiinta iyo falastiinyiinta ay tahay mid sal u ah xal loo helo dhibaatooyinka ka jira bariga dhexe.
Falastiinyiintu waxaa ay horay u diideen in ay wadahadal la galaan Isreal hadii ay sii wado dhismayaasha sharci darada ah ee ay ka wado daanta galbeed.
Ma jirto saan saan muujinaysa in ay Isreal ku joojinayso dhismayaasha sharci darada ah,iyadoona Maraykanku aanay wax cadaadin ah haatan ku hayn in ay yahuudu ku joojinayso dhismayaashaas.
Xal loo helo khilaafka ka jira Falastiin ayaa sida ay qaar ka tirsan masuuliyiinta xamaas ay sheegeen in ay ku xiran tahay in ay Isreal gabi ahaan isaga baxdo dhulka ay shacabka falastiin ka qabsatay wixii ka dambeeyay sanadii 1948.