London-10-march-2010(Gabooyenews.com}Xogheyaha Ururka ay ku midaysanyihin wadamada Islaamka addunka ayaa lagu wada in u kulan la qaato Madaxweyne Sheikh Shariif.
Ekmeleddin Ihsanoglu ayaa maanta gaaray magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska,waxaana saacaddaha soo socda halkaas kula kulmi doona Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo isna ku sugan halkaas oo u booqasho ku joogo.
Xafiiska Warfaafinta ee Ururka Wadamada Islaamka addunka ayaa ku waramaaya in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan xaaladdihi ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya iyo talaabooyinka ay DFKM ku talaabsatay iyo kuwa ay ku rajo qabto in ay qaado mustaqbalka dhow.
Ihsanoglu ayaa Madaxweyne Shariif u bandhigi doona mowqiifka u ururka ka qabo xaaladda dalka Soomaaliya iyo taageerada u hayo Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdiisa,sidoo kale garab siinta cid weliba oo ku dadaalaysa soo celinta nabadda iyo kala dambeynti dalka Soomaaliya ee meesha ka baxday sanadi 1991-di.
Madaxweynaha Dowladda Fedraalka ayaa ka codsan doona Xogheyaha Ururka ay ku bahoobeen wadamada Islaamka addunka in ay taageero dheeri siiyaan DFKM ah si ay usoo celiso nabadda dalka iyo in ay ka shaqeeyaan howlaha dib u heshisinta.
Kulankaan ayaa noqon doona ki ugu horeeyey ay wada qaatan Madaxweyne Shariif iyo Xogheyaha Ururka Wadamada Islaamka addunka.