Taliyaha Ciidanka Maraykanka Ee AFRICOM Oo Xaqiijiyey Inay Qayb Ka Yihin Weerarka Ka Dhanka Ah Mucaaradka Somalia.
Washington-10-march-2010(Gabooyenews.com)Taliska Ciidanka Maraykanka Saldhiga ee Qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey in ay qayb ka yihin duulaanka ay DFKM ah ee Soomaaliya ku qaadayso Xoogaga Mucaaradka ee kasoo horjeeda.
Jenraal William Ward oo ah Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Qaaradda Afrika ayaa Congresska Maraykanka ka hor sheegay in ay Dowladda Fedraalka ka caawin doonaan dib u qabsashada magaaladda Muqdisho.
Waxaana u sheegay in Ciidanka Maraykanka ee ku sugan Saldhiga AFRICOM ay iminka ku jiraan diyaar garowgi ugu dambeeyey oo ay ku doonayaan in ay Ciidanka DFKM ah garab ka siiyaan dagaalka ay la galayaan Xoogaga Mucaaradka.
”DFKM ah waxaa ay dib ula wareegi karta Muqdisho iyadoo oo taageero ka helaysa AMISOM iyo kuwa kale,marka waxaan u maleeya in ay wanaagsantahay in aan ka qayb qaadano”,ayuu yiri.
Jenraal Ward ayaa hadalkiisa ku daray in ay munaasib tahay in DFKM ah gacan laga siiyo duulaanka ay iminka wado,isagoo ugu baaqay in Beesha Caalamka arintaas gacan ka geysato.
Hadalkaan ayaa daba jooga warar maalmahaan la isla dhexmaraayay oo ahaa in Dowladdaha Maraykanka,Itoobiya iyo Kenya ay ka qayb qaadanaayan duulaanka ay DFKM.
Xafiiska wararka (gabooyenews.com)Washington usa.
Qoraaga: Xafiiska wararka (gabooyenews.com)Washington usa.
March 10, 2010
Quraanka Kariimka
Qodobo Mihiim ah
Sawirada Madarasada Quba iyo wax qabadkeeda.
Waa Hawl-Wadeenada ,Mareegta Ama Shabakada (Gabooyenews.com)