Maxkamada Ku Taalada Dalka Holland Dood Ka Taagan Kiiska Somali Lagu Tuhusan Yahay Argagixiso.
Amsterdam-10-march-2010(Gabooyenews.com)Maxkamada magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands, ayaa weydiisatay masuuliyiinta dowlada Mareykanka inay xog dheeri ah ka bixiyaan codsigooda ku wajahan in lagu soo wareejiyo nin Somali ah oo bishii November ee sanadkii hore lagu xiray xarun lagu hayo dadka magangalyo doonka ah oo ku taala dalkan.
Mohamud Said Omar waa 44jir, ku sugnaa Netherlands ilaa dhamaadkii sanadkii hore ee 2008, waxaa lagu eedeenayaa falal argagxiso oo ah inuu gacan siiyey dhalinyaro Soomaali ah u socdaashay Somalia si ay tababar u qaataan oo ay uga barbar dagaalamaan ururka Islaamiga ee Al Shabaab.
Sida ay qortay wakaalada wararka AP, maxkamada Rotterdam ayaa ka dalbatay Mareykanka inuu faahfaahin badan ka bixiyo kooxda argagixisada ee wadanka uu ka soo jeedo ninka Somaliga ah ee la tuhunsan yahy iyo mudada xabsiga uu muteesanayo haddii Mareykanka uu u arko Al-Shabab koox argagixiso ka hor March 2008-dii.
Maxkamada ayaa goáan ka gaari doonta Omar 17-ka bisha May ee soo socota.
Bishii November ee sanadkii hore ee 2009-kii ayaa Mohamud laga soo qabtay xarun qaxooti oo ku taala magaalada Dronten ee gobolka Flevoland ee dalkan Netherlands.
Ninkan ayaa sidoo kale ku noolaa magaalada Minneapolis, dalka Mareykanka halkaasoo la sheegay inuu qoray ilaa 20 arday Soomaaliyeed oo dhiganaysay koleej oo ku wacdiyey inay jihad u aadaan dalka Somali.
Qareenada Omar ayaa ku doodaya inuusan marnaba ka qeyb gelin falal lagu caawinayo argagixiso. “Waxa uu beeniyey inuu ku lug lahaa wax kasta uu ku meel geliyey argagixisada,” ayuu yiri Bart Stapert oo ku sugnaa maxkamada lagu dhageysanayey dacwada ninkan Soomaaliga ah oo dhacday bishii hore ee February.
Bishii July ee sanadkii hore, 4 dhalinyaro haysata dhalashada Dutch-ka oo laga shakiyey inay u socdeem xeryaha tababarada ee Shabaab ayaa agu xiray dalka Kenya. Dacwadaasi ayaa markii damabe la iska tuuray.