Madaafiic Dhowr Ah Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Dad Rayid Ah Oo Haatan Lagu Garaacayo Xaafado Kuyaala Muqdisho.
Muqdisho-10-march-2010(Gabooyenews.com)Ilaa dhowr Madfac oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah ayaa galabta waxaa ay ku dhaceen Xaafado kuyaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir iyadoo duqeyntuna ay wali socoto.
Madaafiicdaani oo aheeyd nuuca ka dhacda qoriga looyaqaan PM-ka ayaa daqiiqado ka hor waxaa lagu garaacay Suuq Xaafada Juungal degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxaana halkaasi qasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah.
Inta la ogyahay duqeyntaasi ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyadoo sidoo kala 4 kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii meel ay ku sugnaayeen ay ku soo dhiceen ilaa dhor madfac oo is xig xigay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qasaaruhu uu intaasi ka badanyahay waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xariirnay ay sheegeen in ay jiraan goobo kale oo ay ku dhacday Madaafiicda.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo duqeeyay halkaasi hase ahaatee maanta ayaa dagaal qaraar oo saacado socday waxaa uu ka dhacay Xaafadaha degmada C/casiis ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay isku farasaareen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya.