Boqorka Sucuudiga iyo Madaxweynaha Masar ayaa kulankoodii shalay uga wadahadlay arrimaha la xariira waan waanta nabadeed ee laga wado bariga dhexe iyo waliba xaalada dalka Sudaan iyo dagaalada ka socda wadanka Soomaaliya.
Boqor Abdullah ayaa booqashiisa ku mari doona sidoo kale dalalka Suuriya, Lubnaan iyo Jordan.
Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa inuu Boqorka gaaro magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Bashaar Al Asad. Boqor Abdallah iyo Bashaar Al Asad ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah u booqdaan dalka Lubnaan.
Booqashada Lubnaan ayaa qeyb ka ah dadaal uu wado boqorka oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka labada dal ee Suuriya iyo Lubnaan, waxayna noqon doontaa booqashadii ugu horeysay ee uu halkaasi ku tago Madaxweyne Suuriya Bashaar Al Asad tan iyo sanadkii 2005 xiligii la dilay Raysalwasaarihii hore ee Lubnaan Hariri.