Khabiir Sweden Ah Ayaa Dowlada Sweden Ka Codsadey Iney Ku Dhiiri Galiso Xukuumada Raashiya Iney Sameyso Siyaasad Cusub.
Stockhom-30-July-2010(Gabooyenews.com)Khabiir Lataliye ku ah xagga ammniga oo magaciisa la yiraahdo Bo Pellnäs ayaa tallo uu soo jeedin uu gudbiyey dowladda iswiidhan kaga codsaday in dowladu ku dhaqaaqd iney dhiiragaliso dowladda Ruush-ka si ay ula timaado siyaasad cusub.
Qabiirkan oo faallo uu ku qoray wargeyska maalinle laha ah ee Dagens Nyheter (DN) ku sheegay in dowladda Iswiidhan looga baahan yahay iney sameyso u dhii-dhin ah iney dhagaha u furto jabaqda wanaagsan ee ka soo yeereysa Kreml oo la xirriirta hanaankeeda ku jxeeran caalamka. Balse qabiiryahankan ayaa doodiisa ku muujinaya siduu u doonayo inuu soo bandhigo muuqaal muuqdo oo ku saabsan sawirka Raashiya. Dowlada Ruush-ka ayaa waxaa uu maanta yahay mujtamac isku dhisan oo leh awoodo kala duwan oo faagaareed. Sidaasi aawadeed ayuu qabiiryahan codsanayaa in la helo siyaasad ka dhan ah iyo qorsho, si loo helo siyaasad u fur furan caalamka oo wadankaasi ka soo bidhaamo.