Ciidamada Amaanka Dalka Burundi Caasimada Bujumbira Ayaa Sheegey Iney Gacanta Ku Dhigeen Nin La Shaqeeyo Kooxd Al-Shabab
Kamballa-30-July-2010(Gabooyenews.com)Wararka laga helayo dalkaasi Burundi ciidamadiisa Amanka ayaa la shegay in maalintii shaley ay gacanta ku dhigeen nin ajanabiya oo lagu shegay in uu xiriir la leyahey Xarakada Al-shabaab iyadoo laga soo qabtey gudaha Caasimada Bujumbura.
Sida ay shegaan sarakiisha Amanka Burundi ee qabtey ninkaan sarkaal u hadley uu shegay in uu xiriir dhow la leeyahey xarakada shaabab baritanona ay ku hayan balse ninkaan oo la shegay in uu ka soo jeedo una dhashey Croatia uu shaca ka qaadey in uusan wax shaqo ah ku laheyn waxyabaha lagu soo eedeyey uuna halkasi ku yimid fasax dhina dalxiiska ah.
Ninkaan waxaa ay booliiska shegaan in ay mudo daba joogeen intii uu ku sugna dalkasi oo dhinaca cirka uu ka soo galey ayna wali kaga shakisanyhiin in uu xiriir la leeyahey Xarakada Shabab uuna doonayey in uu qaraxyo ka geyso dalkasi.
Arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili dhowaan ay hanjabaad hawada u mariyeen Xarada Shabaabul mujaahidiin hadii aysan ciidamdooda kala bixin soomaliya ay la kulmi doonaan qaraxyadii ka dhacey Kampala oo kale ee dadka badi ku dhinteen.