Ottawa-30-July-2010(Gabooyenews.com)Waqooyi bari dalka China ayaa waxaa ka socda dadaalo ay ciidamada Dowlada ku doonayaan inay ugu gurmadaan dadka ku xaniban guryahooda, kadib markii ay qarka jabsadeen labada wabi ee ugu waaweyn ee dalkaasi China iyo mid kamid ah biyo xireenada.
Dad ka badan 1000 qof ayaa ku dhintay daadadka dalkaasi China tan iyo intii ay bilowdeen roobabka dalkaasi ka da’aya laga soo bilaabo bishii May, xafiiska qaabilsan gurmadka deg degta ah ee dalkaasi China ayaa sheegay in tirada dhimashada ee la xaqiijiyey ay gaareyso 928 halka 477 qof weli la la’a yahay meydkooda.
Daadadkan ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi China saameeya muddo ka badan 10 sano, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaro horleh uu ka dhasho mid kamid ah Biyo xireenada waaweyn ee dalkaasi oo hada qarka u saaran inuu fataho.
Wabiyada Wende iyo Songhua ayaa shalay fatahay ayadoo dad gaaraya 3000 oo qof ay ku xaniban yihiin guryahooda, gobalka Jilin ee Waqooyi bari dalkaasi China.Dowlada China ayaa illaa iyo hada gurmad u fidisay dad gaaraya 10 milyan ayadoo la xaqiijiyey in daadadkan ay burburiyeen guryo gaaraya 875,000.