Maradona Oo Ahaa Tobabaraha Xulka Argantiin Ayaa Xilkii Laga Qaadey.
London-30-July-2010(Gabooyenews.com)Diego Maradona's ayaa shaqadi laga eryey kadib markii guddiga fulinta xiriirka kubadda cagta ee Argantiina ay sheegeen inay cusbooneysiin karin xilka tababarnimo ee tababare Maradona.
Julio Grondona oo ah ninka ugu sareeya guddiga fulinta xiriirka kubadda cagta ee Argentiina ayaa sheegay ineysan awood u lahayn in maaradona ay u sii cusbooneysiiyaan xilka tababarnimo ee wadankaasi maadaama aysan iyagu heysan shuruudihii lagu buuxin lahaa in heshiiskiisa loo sii cusbooneysiiyo.
Maradona oo mastaqbalkiisa ku aadaneyd inuu sii ahaado tababaraha xulka qaranka Argentina ayaa shaki galay markii xulka Germany ay uga badiyeen 4-0 ciyaartii sama-finalka koobka aduunka ee ka dhacday dalka Koonfur Africa.
Maradona ayaa xulka qaranka Argentina koobka aduunka u qaaday sanadii 1986 markii si xatooyo ah uu kubadda ku laaday gacanta taasoo Argentiina u sahashay inay ku guuleysato koobka aduunka, isagoo xiligaasina xulka Argentiina u ahaa kabtan.
Maradoona oo ah 49-jir ayaa sanadii 2008-di la wareegay xulka Albiceleste waxaana kulamadii uu leyliyay inta badan ahaayeen kuwo guul u soo hooyey xulka, iyadoo uu ciyaarihii koobka aduunka loogu soo gudbayey uu ka maray marxalado adag.
Ugu danbeyntii maaradoona oo ah xiddig magac weyn ku leh kubadda cagta ayaa iminka u muuqda mid aayihiisa isboorti intaa ku idlaaday..